Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ee dhanka Konfur Galbeed Somaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Buusaar iyo degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo kaasi oo faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan.
Kolanyada Nasaarada Kenya ee kamiinka loo dhigay ayaa kasoo baxay deegaanka Buusaar kuwaasi oo doonayay iney sahay ciidan u doontaan gudaha Kenya gaar ahaan dhulka ay dowlada Nasaarada Kenya xooga kaga heysata Somaliya.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa hubka culus iyo midka fudud ku weeraray kolanyadaasi’waxeyna warar hoose sheegayaan in Nasaarada Kenya khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay weerarkaasi dhabba galka ah.
Kolanyada Kenya ee kamiinka loo dhigay ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay deegaanada howdka balse lama soo sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay madaafiicdaasi.
Calamada.com