Wararka laga helayo degmada Diinsoor oo ka mid ah goobaha Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka kaga suganyihiin gobalka Baay waxey sheegayaan in sarkaal ka tirsan dowlada Ridada federaalka si bareer ah dad shacab ah ugu rasaaseeyay degmadaasi.
Madaxa ciyaaraha maamulka dowlada federaalka ee degmada Diinsoor ayaa si bareer ah dad shacab oo u badan dhalinyaro ugu rasaaseeyay garoonka kubada cagta ee degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhintay hal ruux labo kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo gabi ahaan ka mid ahaa dhalinyaradii kubada ku ciyaareysay gudaha garoonkaasi.
Sarkaalkan ayaa rasaasta hubiyay dhalinyarada kadib markii loo sheegay in laga qaaday xilkii uu hayay oo ahaa madaxa isboortiga ee degmada Diinsoor taasi oo uu ka carooday sarkaalka islamarkaana sababtay inuu rasaas ooda kaga qaada dhalinyradii ku sugneed garoonkaasi.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa saacada kadib markii sidoo kale maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah degmada Dharkenley ugu rasaaseeyeen gaari ay dad shacab ah la socdeen.
Calamada.com