Qaraxyo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta.
Kolanyada Shisheeyaha ayaa ku socdaalayay wadada isku xirta deegaanka Shalambood iyo degmada Buulo mareer oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxyada oo gaaraya ilaa labo qarax oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa kala haleelay gaari Xamuul ah iyo gaari Booyad ah oo qeyb ka ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada Shisheeyaha ee qaraxyadaasi lala beegsaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada gaari gabi ahaan ay wada burbureen’waxaa sidoo kale qaraxyadaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo shisheeyaha ka tirsan.
Calamada.com
Busta saw lagama kicin gaaladii kibir butaamay say
Saw inan birayniyo manoqon biixiyahan fiiqnay
Bashuuqsiga sidii koron ahmiya saw bir may leefin
Balan qaad Ilaah baa jiroon baaqan abid kiise
Bohoshooda saw uguma dhicin wiilal barakay san
Beenowday gaaladu inay baado ciidaane
Bulshadiyo shabaab wada jiraa barako raac daaye
Birta mariye gaalada qurmuun beesha tawxiidku
Barqo aan fogayn bay kufrigu bixi inshaalaahe
Baarlamaan kay gaaladu dhisteen waa burburayaaye