Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsanaay maleeshiyaatka booliska ee dowlada Ridada federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Cumar Fareey.
Sarkaalkan waxa agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho ku toogtay maleeshiyaat ilaalo gaar ah u ah xildhibaan ka tirsan golaha dhawaaqiida dowlada federaalka kaasi oo lagu magacaaba Xuseen Cali Xaaji.
Si rasmi ah looma xaqiijin sababta maleeshiyaatka ilaalada u ah xildhibaanka u toogteen sarkaalka ka tirsan booliska dowlada federaalka’iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in kala shaki soo kala dhexgalay.
Inta badan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka iyo saraakiishooda ayaa caan ku ah iney dhex dooda dagaalaman ama midba midka kale toogasho ku dila xilliyada ay murmaan ama ay daroogeysanyihiin.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.