R/wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Dessalines ayaa sheegaya in xukuumaddiisu ay kordhisay iskaashiga caalamiga ah ee ay laleedahay Yahuudda.
Isagoo magaalada Addis Ababa kulan kula qaadanayay Joseph Hiviln oo ah madaxa machadka Jaile ee maamulka caalamiga Yahuudda ayuu sheegay in Itoobiya ay ‘israa’iil’ ka kaashan doonto arrimaha amniga, isgaarsiinta, beeraha iyo xiriirka caalamiga ah.
R/wasaaraha Itoobiya ayaa Yahuudda kaga mahad celiyay sida ay u tayeeyeen kaalmada ay siiyaan xukuumaddiisa “Itoobiya iskaashi dhan walba ah ayay la yeelanaysaa Israa’iil ah oo ah dowlad saaxiib la ah shacabka Itoobiya†ayuu yiri Haile Mariam.
Telefeshinka Al Jazeera ayaa baahiyay in sirdoonka Yahuudda ee Mossaadka loo yaqaan uu laamaha ammaanka Kenya iyo Uganda ka gacansiiyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.