Wararka ka imaanaya Baarma ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidanka melleteriga ay xoog ku galeen tuulooyin iyo degmooyin ay leeyihiin dadka muslimiinta ee Rohiiggaha loo yaqaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada iyo kooxaha cawaanta Buudhiistayaasha ah ay gaysanayaan dil wadareed aan kala joogsi laheyn.
Talefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa sheegay in xasuuqa oo galay maalintii sedaxaad uu ka socdo gobolka Araakaan ee dhaca galbeedka wadanka Miniimaar ama Baarma.
Barakacayaasha ayaa u cararay dhanka wadanka Banghaladheesh oo daris la ah Baarma, barakacan cusub ayaa wadarta guud ee dadka laga tahjiiriyay guryahooda ka dhigaya 65-kun oo muslimiin ah lagasoo bilaabo bishii October 2016 xilligaas oo melleterigu ay qaadeen howlgal xasuuq ah.
War kasoo baxay waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lagu xaqiijiyay in howlgallo daran oo ka dhan ah muslimiinta Rohiinga ay ka socdaan gobolka Araakaan, xasuuqan cusub ayaa imaanaya xilli wasiiradda arrimaha dibadda Baarma ay sheegtay in ay sii wadayaan ka hortagga waxa ay ugu yeertay Argagaxisada.
Dowladda Maleesiya ayaa bishii lasoo dhaafay dowladaha mandiqadda Koonfur Bari qaaradda Aasiya ugu baaqday in ay faragelin degdeg ah ku sameeyaan baarma si muslimiinta loo badbaadiyo balse majirto cid arrinkaasi ajiibtay.