Gobalka Shabeelada dhexe waxaa ka dhacay weerar dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo War-ciise oo ka mid ah deegaanada dhaca inta u dhaxeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka Biyo cadde ee gobalka Shabeelada dhexe.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Federaalka oo doonayay iney bixiyaan miino ku aasneed agagaarka deegaanka War-ciise.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka’waxaa sidoo kale lagu dhaawacay Shan askari oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.
Gobalka Shabeelada dhexe waxaa ka dhaca weeraro isugu jira qaraxyo dilal qorsheysan iyo dagaala toos ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadaan maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ee ku sugan qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Calamada.com