Wararka laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in habeenkii xalay gudaha degmadaasi lagu weeraray saraakiil milatari oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Weerarka oo loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray dhismo ku yaala xaafada Bar yare ee degmada Jowhar kaasi oo ay deganyihiin saraakiil Milatari.
Warar hoose ayaa sheegaya in Bambaanooyinkaasi ay sababeen khasaara nafeet oo soo gaartay qaar ka mid ah saraakiisha iyo maleeshiyaatka ilaalada u ah ee xilliga weerarka ku sugnaay gudaha dhismahaasi.
Habeen hore ayeey aheed markii weerar ka dhacay deegaan hoostaga degmada Jowhar lagu dilay labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka iyo dhaawaca shan askari oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.
Calamada.com