Ciidamada Xarakada Shababaabul Mujaahidiin waxey aroornimadii hore ee saaka weerar qorsheysan ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka dhigteen duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Goobta isbaarada ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerareen waxey taalaa deegaanka Gambar-laawe oo ah deegaan dhaca dhanka Galbeed ee magaalada Beledweyne.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin cagta mariyeen goobta isbaarada ah’iyadoona maleeshiyaatka dowlada federaalka cagta wax ka dayeen kadib markii dagaalka muddo yar uu socday.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa dagaalka ku qaniimeystay qori nooca loo yaqaana G-3 oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kaga carareen goobta isbaarada.
Isbaarada la weeraray ayaa ah isbaaro si aad ah ugu dhib qabeen dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha degmada Beledweyne iyo qeybaha kale ee gobalka Hiiraan.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Weerarka.
Calamada.com