Diyaarad nooca xamuulka ah oo ay leedahay dowlada Turkiga ayaa burburtay taasi oo sababtay khasaara dhimasho’dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo aad u baaxad weyn.
Diyaarada laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku burburtay dalka Kysgztan gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Beshkek.
Diyaaradan ayaa kasoo duushay dalka Hong Kong waxeyna kusoo jeeday caasimada dalka Kysgztan balse markii ay soo gashay hawada magaalada Beshkek ayeey soo dhacday waxeyna kusoo dul dhacday oo burburisay guro fara badan oo ku yaala gudaha magaalada Beshkek.
Inta la xaqiijiyay shilkaasi diyaaradeed waxaa ku dhintay 16 ruux oo u badan dadkii deganaay guryaha ay kusoo dul dhacday.
Duuliyihii diyaarada ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilkaasi’diyaaradan burburtay ayaa ah nooca loo yaqaana Boeng 747.
Calamada.com