Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in goordhaw gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdi Caare oo ahaa taliye ku xigeenkii Ilaalada Bankiga guud ee maamulka Puntland’waxaa sidoo kale taliyaha lala dilay sarkaal ka tirsanaay Booliska Puntland.
Labadan sarkaal waxaa bartamaha magaalada Boosaaso ku toogtay rag biskoolada ku hubeysan kuwaasi oo dilka kadib goobta si nabad ah kaga dhaqaaqay.
Mas’uuliyadda dilka labadan sarkaal waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay deegaanka Af-urur lagu dilay afar askari Lix kalane lagu dhaawacay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland.
Calamada.com