Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ee Konfurta dalka Somaliya ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Burundi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Biyo cadde iyo Miir-taqwa oo ka wada tirsan deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Miinada ayaa haleeshay oo gabi ahaan burburisay gaari Beebo ah kaasi oo sidoo kale la xaqiijiyay iney ku dhinteen Tobaneeyo askar Burndeys ah oo la socday gaarigaasi.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa saaka aroortii kasoo baxay degmada Jowhar kuwaasi oo ku sii jeeda deegaanka Ceelbaraf oo ay ku go’doonsanyihiin askar Burundeys ah’iyadoona kolanyadaan ay burburka gaariga Beebaha kaga carareen goobta miinada ay kula qaraxday.
Calamada.com