Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan gaar ahaan qeybta qaabilsan difaaca Cirka dhulka soo dhigeen diyaarad nooca basaaska ah oo ay leedahay dowlada Nasaarada Mareykanka.
Diyaaradan basaaska ah waxey ciidamada Mujaahidiinta kusoo rideen Mandiqada Faaram oo taabacsan degmada Bati-kowt oo ka tirsan gobalka Nangahaar ee dalka Afghanistan.
Webseedka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in ciidamada Mujaahidiinta ay sidoo kale gacanta ku dhigeen burburka diyaarada basaaska ee ay leedahay dowlada Nasaarada Mareykanka taasi oo Mujaahidiinta ay gantaal laheen.
Mudooyinkii dambe waxaa dalka Afghanistan kusoo badanayay burburka diyaaradah Mareykanka kuwaasi oo isugu jira diyaarada cilado farsama lasoo dhacay iyo diyaarado Mujaahidiinta ay gantaala laheen.
Calamada.com