Qaraxyadan oo loo wada adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray saldhigyo iyo fariisimo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka kala sameysteen degmooyinka Wardhiigley iyo Baardheere oo kala tirsan gobalada Gedo iyo Banaadir.
Bamka lagu tuuray fariisinka maleeshiyaatka dowlada federaalka ee degmada Wardhiigley ayaa sababay khasaara nafeet oo soo wajahday maleeshiyaatka dowlada’waxeyna maleeshiyaatka qaraxa Bam kadib fureen rasaas fara badan balse lama soo sheegin wax shacab ah oo rasaastaasi waxyeela kasoo gaartay.
Dhanka degmada Baardheere dhismo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka deganyihiin gudaha degmadaasi ayaa lagu tuuray bam gacmeed kaasi oo dhawaaqiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.
Bamkaasi ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca tiro kale kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin lana dhigay isbitaalka degmadaasi.
Maalintii shalay ayeey aheed markii qarax miino gaalada Burundi looga gubay gaari Beebo ah qaraxaasi oo kolanyada Afrikaanta Burundeyska ah lagula beegsaday duleedka deegaanka Biyo cadde ee gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com