Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay Camaliyad Istish-haadi ah oo lala beegsaday xarun ciidan oo ku taala magaalada Gaawa ee Waqoyga dalka Maali.
Xerada la weeraray waxaa deganaay saraakiil iyo ciidamo fara badan oo ka tirsan dowlada Maali’iyadoona camaliyadaasi ay sababtay khasaara nafeet oo aad u xoogan.
Wararkii ugu dambeeyay ee Camaliyadaasi ayaa sheegaya in dhimashada askarta dowlada Maali ay gaartay 60 kuwaasi oo isugu jira saraakiil iyo askar’iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.
Warbaahinada la iska arko ee caalamka ayaa baahiyay muuqaalo muujinaya burburka soo gaartay xerada iyo meydad fara badan oo daadsan gudaha iyo banaanka xeradaasi.
Camaliyadda Istish-haadiyada ah ee lagu weeraray xerada ciidan ee ku taala magaalada Gaawa waxaa sheegtay Mujaahidiinta Al-muraabidhuun oo taabacsan Beycana kula jira Mujaahidiinta Al-qaacidah ee Bilaadul Magribil Islaam.
Halkan Ka Daawo Sawirada Xerada La Weeraray.