Qarax miino ayaa markale kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Burundi lagula beegsaday duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa kasoo baxay deegaanka Biyo cadde waxeyna ku sii jeedeen dhanka deegaanka Miir-taqwe oo labaduba ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.
Qaraxa waxa uu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaana Siimanka ama Calasow Barrow oo ah tuulo u dhaxeysa deegaanada Biyo cadde iyo Miir-taqwa.
Miinada ayaa la xaqiijiyay iney haleeshay gaari Taw ah kaasi oo goobta ku burburay’kolanyadaan saaka qaraxa lala beegsaday ayaa ka koobnaay Lix gaari oo noocyada dagaalka.
Sidoo kale qaraxan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar oo ka tirsan ciidamada Burundi kuwaasi oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay Konfurta iyo bartamaha dalka Somaliya.
Qaraxan ayaa noqonaya midkii saddexaad oo saddex maalin oo isku xigta lala beegsaday gaalada Burundi labadii maalin ee u dambeysay labo qarax oo ka dhacay isla wadadaan waxaa lagu gubay labo gaari oo kala ah Taw iyo Beebo oo shisheeyaha ay leeyihiin.
Calamada.com