Dab xoogan ayaa goordhaw waxa uu ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn dalka Somaliya.
Dabka waxa uu sigaar ah kaga kacay Maqaaxi ku taala inta u dhaxeysa suuqa Timirta iyo Midka Cabdalle Shisheeyaha ee suuqa Bakaaraha’waxa uu dabka ku fiday gooba ganacsi oo ka agdhawaa maqaayada.
Uurada madow ee dabka ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa laga arkayaa xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ‘iyadoona khasaaraha hordhaca ah ee dabkan uu geystay ay tahay mid hantiyadeed.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.