Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in caawa gudaha degmadaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay booliska dowlada Ridada federaalka.
Bam gacmeed ayaa lagu weeraray sarkaalka iyo xubna kale’waxaa uu sarkaalkan ahaa taliyihii maleeshiyaatka Booliska ee gobalka Shabeelada dhexe.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Khaliif Cadbulle Carfaaye kaasi oo lala dilay sarkaal kale’waxaa sidoo kale ku dhaawacmay bam gacmeedkaasi labo sarkaal kale oo ka tirsan dowlada federaalka.
Mas’uuliyadda dilkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo beegsi xoogan ku heya saraakiisha dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta.
Calamada.com