Qarax culus ayaa ka dhacay bartamaha degmada Buurhakabo ee gobalka Baay kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan degmada iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lagu aasay goob isbaara u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Qaar ka mid ah dadka degmada oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo doonayay iney dhac ka geystaan qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobalka Bakool.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in kamiinkaasi khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo aysan u suura galin qorshihii ay doonayeen oo ahaa iney dhac ka geystaan deegaano hoostaga degmada Xudur.
Saddex bil ka hor ayeey aheed markii qarax ka dhacay gudaha degmada Buurhakabo ee gobalka Baay lagu dilay Muxamed Sandheere oo ahaa gudoomiyihii dowlada federaalka ee degmadaasi.
Calamada.com