War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan laguna nashriyay baraha Internetka ayaa waxaa looga hadlay maamulka Maraykanka ee isbedelka uu ku yimid, iyadoona Mujaahidintu la hadleen madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.
Imaarada ayaa u dirtay madaxweynaha Maraykanka Trump fariin digniin ah oo lahjad kulul ah, waxaana ay ugu bishaareyso guul daro taariikhi ah haddii uu go’aansado inuu galo bohosha dalka Afqaanistaan.
Waxay uga digtay sidoo kale inuu sii wado tallaabooyinkii uu qaatay madaxweynihii isaga ka horeeyay oo ay Imaaradu ku tilmaamtay kuwa shar badan.
“waqti dheer kama soo wareegan illaa uu Trump ku maashoodo bohol lagu magacaabo Afqaanistaan kahor inta aysan u suur gelin inuu ka baxo†ayaa lasii raaciyay bayaanka.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku taariikhda aysan gelin dagaal ka dheer kana kulul midka ay hadda kaga jirto dalka Afqaanistaan, laakiin haddii ay kusii socoto siyaasadeeda islaweynida waxaa sugaya baaba’ buuxa iyo jab taariikhi ah.
Maraykanka ayaa ciidamo waxay ka joogaan dalka Afqaanistaan tan iyo sanadkii 2001, waxaana dalkaas ay ka geysteen welina kawadaan gumaad iyo xasuuq wadareedyo ka dhan ah dadka Muslimiinta.