Xukuumadda Sahyuuniyadda ee xoogga ku heysata dhulka Muslimiinta reer Filastiin ayaa kulan ay isugu yimaadeen maalintii Axadda ee shalay waxay ku ogolaadeen in inkabadan 560 dhismayaal ah oo cusub oo lagu deegaameyn doono dadka Yahuudda ah in laga dhiso Seddax deegaan oo kuyaalla bariga magaalada la heysto ee Al-Qudus.
Qorshahan oo ay soo bandhigeen Guddiga qorsheynta ee maamulka Yahuudda u qaabilsan magaalada Al-Qudus ayay si buuxda isugu raaceen golaha Wasiirada ee xukuumadda Sahyuuniyadda, waxaana go’aankani uu imaanayaa Seddax maalmood kadib markii Donald Trump loo caleema saaray hogaamiyaha cusub ee dalka Mareykanka.
Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benyamin Netanyahu ayaa dib u dhigay meel marinta go’aankan horraantii bishan, kadib markii waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Gaalada Qaramada Midoobey ay ku baaqeen in la joojiyo deegaameynta Yahuuddu ay ka wadaan bariga magaalada Al-Qudus, waxaana taasi ay aad uga careysiisay Ra’iisul wasaaraha Yahuudda, isagoona u yeeray qaar ka tirsan Safiiradaha dowladaha ka codeeyay Yahuudda.
Xukuumadda Sahyuuniyadda ayaa quud dareyneysa in Maamulka cusub ee majaraha uu u hayo Donald Trump inuu noqdo mid si weyn u taageera Yahuudda in ka badan intii uu Yahuudda taageeri jiray Maamulkii hore ee Barack Obama marka laga hadlayo arrimaha dhulka xoogga lagu deegaameynayo dadka Yahuudda ah ee kuyaalla daanta galbeed iyo magaalada Al-Qudus.
Madaxweynaha cusub ee Donald Trump ayaa intii uu ku jiray ol-olasha doorashada waxa uusan qarsan sida xad dhaafka ah ee jaceylka iyo taageerada uu ugu hayo Yahuudda, isagoona ballan qaaday in Maamulkiisa cusub uu si kal iyo laab ah si isugu mid ah ugu adeegi doono danaha dadka Yahuudda iyo kuwa Mareykanka.
maalinta Axadda ee shalay waxaa khadka teleefonka ku wada hadlay Donlad Trump iyo Benyamiin Netanyahuu, iyagoona isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihii Qaddiyada dhulka xoogga lagu heysto ee Filastiin, Xaaladda Suuriya iyo arrimaha dalka Iiraan.