Dawladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa walwal weyn kala soo gudboonaaday hadal dhawaan ka soo baxay Trump-aha dalka Mareykanka kaas oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo taageerada uu Mareykanku ku bixiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Trump-aha loo doortay maamulka Mareykanka oo ay muuqaneyso in uu lugta ku dhufanayo dhammaan go’aannadii uu gaarayu maamulkii ka horeeyay ayaa laga yaabaa in uu kala dhimo taageerada xad dhaafka ah ee Mareykanku uu siiyo dawladaha Afrikaanta ee ku duulay Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sheegtay in Trump uu dhayalsanayo khatarta Xarakada Al-Shabaab sidaas darteedna laga yaabo inuu wax ka dhimo taageerada Mareykanka uu bixinayo, haddii ay taasi dhacdana waxaa ay warbixintu tiri ” Waa khalad Istiraatiiji oo waxyeelleyn doona siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrikaâ€.
Dawladaha Afrikaanka ah ee ciidamadoodu ka dagaallamayaan Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan taageerada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Midowga Yurub, laakin si ka duwan reer Yurub, Mareykanku wuxuu toos ugu garab siinayaa Afrikaanta dhinacyada dagaallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Hoggaanka Mujaahidiinta.