Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar xoog ku gal ah oo saaka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen hoteel Dayax oo ku yaala wadada Maka Al-mukaramah kaasi oo ah hoteel ay daganaayeen xubno ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Xubnaha dowlada federaalka ee deganaay hoteelka la wareeray waxaa ka mid ah xildhibaanada cusub iyo odayaashii soo xulay ‘iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in weerarkaasi lagu dilay inka badan 60 isugu jira saraakiil’askar iyo xubno kale oo ka tirsanaay dowlada federaalka’iyadoona dhaawaca uu kor u dhaafaya inka badan 40 ruux.
Weerarka oo ka koobnaay Camaliyad Istish-haadi ah’mid xoog ku gal ah iyo qaraxyo ayaa socday saacada badan oo xiriir ah’waxaa mas’uuliyadda weerarkan saaka sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.