Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaacisay in Katiibada Ashahiid Saalix Nabhaan ay fulisay weerarkii xooganaa ee aroornimadii hore ee saaka lagu qaaday xerada ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Kulbiyow, Iyagoona sheegay in qasaaraha dhimashada uu gaaray ilaa 65 askari.
Katiibada Saalix Nabhaan, waa isla katiibadii fulisay weerarkii halyeeynimo ee sanadkii la soo dhaafay bishan oo kale lagu qaaday saldhiggii ciidamada Kenya ee Ceel-cadde kaas oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo askari.
Warka ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in khasaaraha cadowga ku gaaray weerarka uu kor u dhaafayo ilaa 65 askari oo dhimasho ah iyo dhaawaca kuwo kale.
Waxaa jira qaniimo fara badan oo mujaahidiinta ay ka heleen saldhigii ay la wareegeen.
Dhowr iyo toban ka mid ah gaadiidka dagaal ayey mujaahidiintu ku ganiimeysteen dagaalka, iyadoona intaas ay sii dheer tahay keydad hub ah oo cadowga u yeelay goobta.
Waa weerarkii labaad oo ay fuliso Katiibada Saalix Nabhaan oo ay ku guuleystaan inay ku xasuuqaan boqolaal ciidamo Kenyan ah oo ku soo duulay dalka Soomaaliya.