Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta, Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa shirjaraa’id oo uu qabtay ku faahfaafiyey weerarkii xooganaa ee maanta ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday xeradii ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow kaas oo lagu dilay ugu yaraan in ka badan 60 askari.
Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyey islamarkaana lagu dilay ugu yaraan 67 askari oo ka tirsan ciidamada kufaarta Kenya, isagoona sheegay in wixii soo haray ay ka kala firxadeen saldhigga.
“Qasaaraha waxaa markii hore ay mujaahidiintu dul tageen ilaa 57 askari, laakiin goordambe waxaa howdka ka baxsan xerada lagu arkay ilaa 10 askari oo kale, sidaasna wuxuu qasaaruhu ku noqonayaa ilaa 67 askari inta aan hubno†ayuu yiri Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in weerarka ay fulisay Katiibada Ashahiid Saalix Nabhaan oo ah Isla katiibadii fulisay weerarkii halyeeynimo ee sanadkii hore bishan oo kale lagu qaaday saldhiggii ciidamada Kenya ee deegaanka Ceelcadde.
Sheykh Abuu Muscab ayaa sidoo kale bixiyey tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan weerarka aroornimadii hore ee saaka lagula jarmaaday xeradaasi.
Halkaan Ka Dhageyso Kalimadda Abuu Muscab.
Xigasho: Telegramka Andalus