Ugu Yaraan Sedax Askari oo katirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca ‘HirShabelle’ isku magacaabay ayaa lagu dilay qarax ka dhacay duleedka magaalada Beled Weyne.
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino oo ciidan mooryaan ah lagu eegtay Galbeedka Beled weyne ay ku dhinteen sedax askari afar kalane ay ku dhaawacmeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay halka loo yaqaan “Burjada Ciinta†uu maleeshiyaadka ku haleelay goob ay isbaaro utiillay oo gaadiidka dadweynaha lagaco baad ah uga qaadanayeen.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab sheegatay Mas’uuliyadda weerarka qaraxa ah ee ka dhacay duleedka Beledweyne’iyadoona dhowr jeer ciidamada Muslimiinta ay weerareen goobtaasi isbaarada ah.