Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen isbaarada iyo fariisin maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen deegaanka Numbar 50 ee gobalkaasi.
Dagaalka ka dhacay deegaanka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo ka tirsan gobalkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in dagaalka markii muddo socday maleeshiyaatka Murtadiinta goobta isbaarada ay isaga carareen’waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen gacan ku heynta goobtaasi.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab dab qabadsiiyeen gaari Saaruf ah oo maleeshiyaatka dowlada federaalka goobta kaga carareen wali lama xaqiijin iney jiraan tiro askar ah oo dowlada federaalka dhimasho iyo dhaawac kaga noqotay weerarkaasi.
Calamada.com