Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay arimo muhiim ah.
Sheekh Cali ayaa ugu horeyntii mubaarakeeyay weerarkii taariikhda galay ee lagu xasuuqay ciidamada Nasaarada Kenya ee shalay ka dhacay deegaanka Kulbiyow oo ah deegaan dhaca xadbeenaadka gobalka Jubbada hoose la wadaaga dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya.
Afhayeenka ayaa hambalyo iyo duca gaar ah u diray Katiibada Al-shahiid Saalax Nabhaan oo ah katiibada fulisay camaliyadda Kulbiyow ee lagu dilay inka badan 67 askari Kenyaati ah.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa fariin adag u diray dowlada Nasaarada Kenya isagoona xusay hadii aysan dowlada Nasaarada Kenya ciidamadeeda kala bixin dalka Somaliya in mar walba fariin adag loogu diri doona dhiiga askarta Kenyaatiga ah ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku xasuuqayaan gudaha dalka Somalia.
Halkan Ka Dhageyso Kalimada Sheekh Cali Dheere.
Calamada.com