Ilo wareedyo military oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 68 askari oo Kenyaati ah lagu dilay weerarkii aroornimo ee jimcihii la soo dhaafay ay Xarakat Al-Shabaabul Mujaahidiin ku qaaday saldhigga ciidamada Kufaarta Kenya ee deegaanka Kulbiyow Xilli dowlada Kenya ay weli ka dhaga adeegeyso in ay soo saarto tirada rasmiga ah ee askartii looga dilay weerarka.
Journal-ka caanka ah ee Standard ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa maanta oo Axad ah soo daabacay warbixin dheer oo uu kaga faaloonayo wixii ka dhacay xerada Kulbiyow, Isagoona tilmaamay in weerarka uu galaaftay nolosha kala bar ciidamadii ku jiray saldhigga sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo military.
Wargeyskan oo soo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan military-ga Kenya ayaa sheegay in Xerada ay joogeen ilaa afar fasiilo oo midiiba ka kooban ilaa 36 askari, kuwaas oo marka dhamaantood la isku geeyo gaarayey 144.
Ilo wareedyada military ee uu soo xiganayey wargeyskan ayaa sheegay in laba fasiilo oo ka koobnaa ilaa 72 askari ay ka soo bad-baadeen weerarka, ka dib markii abaanduuleyaashooda ay amreen in ay dib kaga gurtaan saldhigga, ayna taasi ahayd khalad military maadama dib u gurashadaas ay keentay in xerada lagu xasuuqo labadii fasiila ee kale.
Saxiifadda Standard waxay sheegtay in xogtan ay ka heshay ilo wareedyo sarsare oo ka tirsan military-ga kuwaas oo ka sheekeeyey weerarkii argagaxa lahaa ee lagala dul dhacay xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow iyo sida dowlada ay ugu dadaaleyso in ay qariso qasaaraha culus ee goobta ka dhashay.
Meydadka ilaa 30 askari oo ka mid ah ciidamada lagu xasuuqay weerarka ayaa laga soo qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Moi ee magaalada Nairoib kuwaas oo la geeyey isbitaalka Memorial ee taabacsan ciidamada military-ga iyagoo lagu wado gaadiid leh taargada shacabka.
Meydad kale oo dheeraad ah ayaa sidoo kale galabtii jimcaha ilaa habeenkeedii iyo subixii sabtida laga soo daadgureeyey xerada la burburiyey ee kulbiyow sida ilo wareedyadu ay sheegeen.
“Meeshu waxay ahayd goob argagax badan†mid ka mid ah askarta ayaa sidaasi yiri, Isagoona intaas sii raaciyey in weerarka uu aad u shabahayey isla weerarkii Ceel-cadde ee sanadkii la soo dhaafay kaas oo uu Wargeyska Standard aaminsan yahay in lagu dilay ugu yaraan 173 askari.
Diyaarado helicopters ah ayaa meydadka keenay saldhigga ciidamada cirka ee Moi ka hor inta aanan loo sii gudbinin hoolka meydadka ee isbitaalka Memorial si looga hortago in wax macluumaad ah laga helo qasaaraha soo gaaray ciidanka.
Wargeyska Standard ee maanta soo qoray warbixintan ayaa sidoo kale la yaab ku tilmaamay in numberka qasaaraha ee ay soo heleen uu ka badan yahay midkii ay horay u sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qasaarihii hordhaca ahaa ee weerarka ku sheegtay ugu yaraan 57 askari, halka tira-koobkii ugu dambeeyeyna lagu sheegay ilaa 67 askari, taas oo wargeyska uu ku tilmaamay in ay ka yartahay xaqiiqda wixii meesha ka dhacay iyo numberka ay iyagu heleen.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay 7 askari iyo laba sarkaal oo kaliya looga dilay weerarkii Kulbiyow sida lagu sheegay bayaan ay warbaahintu u soo direen balse wargeyskan wuxuu tilmaamayaa in bayaanka uu soo baxay markii tobaneeyo ka mid ah meydadka ciidanka la keenay saldhigga Moi, dagaalkuna uu soo gabagaboobay.
Ilo wareedyadan oo Wargeysku uu diiday in uu magacaabo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Kenya ay u suuragashay in Xerada ay yimaadaan galabtii jimcaha, xilli meesha lagu kala tagay, ka dib markii diyaarado dagaal oo fara badan iyo ciidamo gurmad ah oo laga keenay gudaha Kenya ay soo galeen xerada.
Si ka duwan weerarkii Ceel-cadde, waxay saraakiishu sheegeen in askar badan ay ka soo bad-baadeen weerarka, taasna ay ka dambeysay ka dib markii laba abaanduule ay ciidankooda Amreen in si deg deg ah ay kaga insixaabaan xerada balse qaar kale oo saraakiisha ka mid ah ayaa arintaas ku tilmaamay khalad military oo keenay in si sahlan lagu xasuuqo labadii fasiila ee kale.
Iyadoo warbaahinada dalka Kenya ay sidan ugu kala tartamayaa soo gudbinta wixii ka dhacay xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow, ayaa dhanka kale, waxay dowlada Kenya ku adkeysaneysaa in ay qariso qasaaraha wixii meesha ka dhacay si ay kaga fogaato qirashada guuldaradii soo gaartay, una ilaaliso guuxa iyo carada Shacabka.
 XIGASHO: Telegram-ka Idaacadda Andalus
Calamada.com
mashaa allh takbiiiir aad baan ugu hambalyeen mujaahidiinta alashababab meel walbo ay jogaan gaar ahaan katibada xasuuqday galadaaan thanksssssssssss
Allahu Akbar… Alle ha jebiyo cadawga islamka meel walbo uu jooga.
Iyagaa soo joog laga waayey ee soo jiifo laga helay ..kkkkkkk