Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan weerar culus ku qaadeen saldhigyo iyo fariisimo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka dalkaasi ay ka sameysteen degmo ka tirsan gobalka Helmand.
Weerarka waxey ciidamada Imaarada Islaamiga si gaar ah ugu qaadeen degmada Sangin oo ka tirsan gobalka Helmand kaasi oo si ba’an loogu xasuuqay maleeshiyaatka maamulka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.
Weerarka ayaa ku bilowday Camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga’waxaa walaalkaasi lagu magacaabaa Mulla Cabdul Qadduus.
Camaliyadda Istish-haadiyada kadib ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar Iqtixaam ah ku qaaday degmada gaar ahaan saldhigyada iyo difaacyada kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Webka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in ciidamada Mujaahidiinta si buuxda ula waregeen gacan ku heynta 20 bar-controol amni ah iyo shan saldhigyo ciidan ah oo ku yaalay gudaha iyo duleedka degmadaasi.
Sidoo kale Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan Sheekh Qaari Muxamed Yuusuf ayaa qoraal kooban uu soo gaaray ku xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ku dhawaad 100 isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka Ridada Afghanistan.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gacanta ku dhigay bakhaar keyd hub ah oo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgalada Al-cumariyah oo ah xamlo dagaaleed sanad ka hor ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com