Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay xabsiga la dhigay xildhibaan ka tirsanaay baarlamaanka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Xildhibaanka la xiray ayaa lagu magacaabaa Shuceyb Ibraahim Faarax Murtadkaasi oo la xaqiijiyay iney hooygiisa kala baxeen maleeshiyaatka nabad sugida maamulka Ridada Axmed Madoobe ee ciidamada Kenya ku ilaaliyaan magaaladaasi.
Si rasmi ah looma xaqiijin sababta keentay xariga xildhibaanka sidoo kale ehelada xildhibaankaasi ayaa sheegay inaan nolol iyo geeri meel lagu ogeen Shuceyb Faarax.
Magaalada Kismaayo waxey ka mid tahay goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin gobalka Jubbada hoose oo ka mid ah gobalada dhaca Konfurta dalka Somaliya.
Calamada.com