Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin howgal gaar ah oo ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho waxey ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga dhaqaaqay waxaa markii dambe meydka askariga goobta ka qaaday maleeshiyaatka dowlada ee isbaarada u taala Tabeelahaasi.
Habeen hore ayeey aheed markii qarax ka dhacay agagaarka Kulliyada Jaala Siyaad lagu dilay sarkaal ka tirsanaay Milatariga dowlada federaalka oo lagu magacaabi jiray Baddal kaasi oo lala dilay ilaa afar askari.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.