Idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa caawa wareysi gaar ah la yeelatay Waaliga Gobalka Banaadir xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
qeybta hore wareysiga waxa uu  sheekh Cali ku bogaadiyay weerarkii Deegaanka Kulbiyow ee Kenya looga laayay Ciidamada badan.
“Waxaan umadda muslimimiinta gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa camaliyadii barakaysnayd ee Kulbiyoow laguna xasuuqay Ciidamada Kenyaâ€ayuu yiri Sheekh Cali jabal isagoo uduceeyay intii ka qeybqaadatay Howlgalkaasi.
Sheekh Cali Jabal waxa uu soo hadal qaaday tacadiyada Ciidamada Kenya ee ka dhanka ah Muslimiinta,waxaana uu sheegay in dad badan oo la dulmiyay ay ku indho qabowsadeen waxa ku dhacay askarta Kenya.
Kenya ayuu usheegay inay la gudboontahay inay is bar qabato inta ay goori goortahay.
Xaalada Magaalada Muqdisho.
“meel kasta oo maanta Muslim uu joogo cadaadis ayuu la kulmayaa hadey tahay duullaan maskaxeed.waxbarasho iyo mid milatari,wilaayada Banaadirna waxa ay lamid tahay dhulkaasi lagu duulayâ€ayuu yiri Cali jabal mar uu ka hadlayay xaalada Muqdisho.
Reer Muqdisho ayaa maalmahaan aad uhadal haya weerarada alshabaab oo ka xoogan kuwii horre marka loo eego qaraxyada ay la beegsanayaan xarumaha shisheeyaha iyo kuwa Dowladda
Sheekh Cali Jabal Waxaa la weydiiyay sababta ay ukordhiyeen tanka Qaraxyada Gawaarida ay u adeegsadaan  oo dhulka dhigay dhismooyin badan oo shabaabku weerareen.