Gabi ahaan waxaa maanta bandow ah magaalada Muqdisho’iyadoona waddooyinka magaalada lagu soo daadiyay askar fara badan oo isugu jirta Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Wadooyinka magaalada waxaa lagu jaray dhagaxaan iyo caro’waxaa sidoo kale gabi ahaan jirin wax gaadiid ah oo isticmaalaya wadooyinka magaalada marka laga reebo gaadiidka dowlada iyo kuwa shisheeyaha oo wadooyinka qaar lagu arkayo.
Gabi ahaan waxaa xiray goobihii Waxbarashada’caafimaadka iyo ganacsiga magaalada taasi oo muujineysa culeyska iyo xaalada adag ee soo wajahday shacabka magaalada Muqdisho.
Bandowga ayaa soconaya muddo labo maalin ah’waxeyna gaalada iyo dowlada Ridada federaalka cabsi xoogan ka qabaan in weeraro culus kala kulmaan dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin inta ay socota munaasabada doorashada madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka taasi oo maalinra barito ah ka dhicidoonta gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.