Wararka ka imaanaya magaalada Qazza eek u jirta go’doonka cadowtooyo sanadaha dheer ayaa sheegaya in duqeymo culus ay magaaladu marti gelisay gelinkii dambe ee shalay illaa iyo xalay.
Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan islamarkaana ay fulinayeen gawaarida ay ku xiranyihiin hubka waaweyn ee wax lagu duqeeyo, kuwaas oo yaala xuduud beenaadka Qazza iyo dhulka ay Yahuuda nooga heysato.
Dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegaya in labo gantaal lagu dhuftay xarun ciidan oo ku taalla deegaanka Al-bureyj ee bartamaha magaalada Qazza, waxaana dumay xarun lagala socodo dhaq dhaqaaqa ciidamada cadowga Yahuudda.
Afhayeen u hadlay ciidanka Yahuudda wuxuu ku andacooday in duqeyntan ay jawaab u ahayd saaruukh kooxaha wax iska caabintu ku rideen koonfura dhulka ay Yahuuda xooga ku heysato.
Wuxuu sheegay Afhayeenka ciidamada Yahuudda iney duqeeyeen xarun milliteri oo ay leedahay Xarakada Xamaas.