Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey xaqiijinayaan in galinkii dmabe ee maanta duqeyn culus ay ka dhacday duleedka magaalada taasi oo warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybta ku sugan Buuraha Goolis ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay saldhig weyn oo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen deegaanka Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin waxey baahisay in 20 Madfac ciidamada Mujaahidiinta ku garaaceen saldhiga deegaanka Galgala.
Sidoo kale Idaacada Andalus waxey intaasi ku dartay in duqeyntaasi lagu dhaawacay taliyihii maleeshiyaatka Puntland ee deegaanka Galgala oo lagu magacaabo Muxamed Aadan’sidoo kale dab uu qabsaday Keydkii Sahayda ee saldhiga deegaanka Galgala.
Warar hoose ayaa sheegaya in marka laga tago dhaawaca taliyaha in sidoo kale duqeyntaasi ay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka Puntland.
Calamada.com