Waxaa goordhaw si toos ah u bilowday wareega labaad ee tartanka madaxweynaha dowlada Ridada federaalka oo duhurnimadii maanta si toos ah doorashadiisu ay kaga bilaabatay gudaha magaalada Muqdisho.
Wareegaya Labaad waxaa usoo gudbay Afara Musharax oo kala ah 1-Xasan Garguurte 2- Muxamed Farmaajo 3-Shariif Sheekh Axmed 4-Cumar Cabdi Rashiid.
R/wasaaraha dowlada Ridada federaalka Cumar Cabdi Rashiid oo ka mid ahaa afarta Musharax ee usoo baxday wareega Labaad ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaan ka tanaasulay doorashada madaxweynaha.
Goobta doorashada waxaa ku sugan saraakiil ka socota dowlada Xabashida Itoobiya iyo kuwa caalamka’iyadoona warar hoose ay sheegayaan in agaasimka doorashada gacanta ku hayo Gebra oo ah sarkaal Itoobiyaan ah oo ay ka wada dambeeyaan guud ahaan xubnaha dowlada federaalka ee maanta madaxweynaha dooranayo.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha Doorashada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.