Waxaa goordhow soo gaba gaboobay wareegii 2-aad ee doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.
Wareegga 2-aad ayay musharixiintu codadka u heleen sidaan 1-Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa helay 184 cod 2- Shariif Sheekh Axmed ayaa helay 45 cod halka Xasan Sheekh uu helay 97 cod.
Markii guddoomiyaha baarlamaanka Max’med Cismaan Jawaari ku dhawaaqay in wareegga 3-aad la gelayo ayuu si lama filaan ah Xasan Sheekh ugu dhawaaqay in uu isaga haray xilka madaxtinimada isagoo makaroofanka ka hor qiray in doorashada looga adkaaday.
Farjaamo ayaa khudbaddii ugu horraysay ee uu jeediyay ku sheegay in isbedel weyn ay sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka.
Wuxuu Farmaajo sheegay in uu si adag ula dagaallami doono Musuq Maasuqa iyo wax isdaba marintii ay caanka ku aheyd xukuumaddii Xasan Gurguurte.
Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa caan ku ahaa hadal uu jeediyay sanaddii 2010 xilligaasi oo uu yiri “Dagaalka aan ka wadno magaalada Muqdisho waxaan ku difaacaynaa New York oo Mareykan ah”.
Anaga wax naga galey male qaainkaan murtadkaa. 4sano oo uu taangiga afrikaanta ku dhuunto aa sugeyso, hadiiba afrikaanta eey sii joogaan
anagana shaqadeena aan sii wadaneeynaa