Wararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay gudaha degmada kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Nuur-xawaad ee Bariga degmada Beledweyne’iyadoona qaraxa uu sababay khasaara nafeet oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay inuu indhihiisa ku arkay dhaawacyada saddex askari oo labo ka mid ah dhaawacyadooda culusyihiin oo laga qaadayo goobta qaraxa uu ka dhacay.
Degmada Beledweyne waxey ka mid tahay goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin Gobalka Hiiraan oo ka mid ah gobalada dhaca bartamaha dalka Somaliya.
Calamada.com