Saacadihii lasoo dhaafay waxa uu hoos u dhac aad u xoogan ku yimid sarifka lacagta Shalin Soomaaliga ee Suuqyada kala duwan magaalada Muqdisho.
Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsiga ee ugu weyn dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si aad ah looga dareemay hoos u dhac xoogan oo ku yimid sarifka lacagta taasi oo ugu dambeyntii si aad ah ugu faaftay suuqyada kala duwan ee ku yaala xaafadaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale duleedka magaalada.
Halka doolar ee ah doolarka Mareykanka ayaa maanta la sarifayaa lacag dhan 16 Shilin Soomaali’iyadoona markii hore halka doolar la sarifayay lacag dhan 23 Shilin Soomaali.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay hoos u dhaca xoogan ee ku yimid sarifka lacagaha Shilin Soomaaliga ee suuqyada magaalada Muqdisho’sidoo kale hoos u dhacaan kama jira suuqyada degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobalada dalka Soomaaliya.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.