Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday difaacyada iyo fariisimaha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen deegaanka Qalimow ee gobalkaasi.
Dagaalka waxaa la lsku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaankaasi uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaay ee ka dhacay deegaanka’waxeyna intaasi ku dareen in dagaalkaasi lagu dilay inka badan Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Federaalka.
Saraakiil ka tirsan dowlada federaalka oo la hadlay warbaahinta ayaa iyaguna dhankooda qirtay in khasaara lagu gaarsiiyay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka waxeyna warbaahinta qaar u sheegeen in dagaalka looga dilay saddex askari.
Calamada.com