Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar qaraxyo loo adeegsaday ay ka dhaceen gudaha dalkaasi kuwaasi oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan maamulka daba dhilifka dalka Yemen.
Weerarkan oo ahaa qaraxyo miino noocyada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxey si gaar ah kaga dhaceen magaalada Ib oo ka tirsan gobalka I bee dalka Yemen.
Qaraxan waxaa ku dhaawacmay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada daba dhilifka dalka Yemen waxaa sidoo kale qaraxyadaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ilaalo u ahaa saraakiishaasi.
Madaxa hey’adda dambi baarista CID-da dalka Yemen Maxamuud Al-asadi iyo sarkaalka oo lagu magacaaba Axmed Al-jumarah oo ka mid ah saraakiisha mamaulka daba dhilifka dalka Yemen ugu magacaaban gobalka Ib ayaa kala ah saraakiisha lala beegsaday qaraxyada kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyo culus soo gaartay.
Mas’uuliyadda qaraxyadaan waxaa sheegtay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee wadamada Jaziiratul Carab kadib qoraal kooban ay baahiyeen kuna faahfaahiyeen weerarkaasi iyo cidda ay sida gaarka ah ula beegsadeen.
Calamada.com