Gaadiidleyda Xamuulka ee isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobalka dalka Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan ka cabanayo isbaarooyin fara badan oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay soo dhigteen gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho iyo qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah guddi ay ku mideysanyihiin gaadiidleyda Xamuulka ee isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay iney sii kordheen tirada isbaarooyinka iyo lacagaha looga qaado isbaarooyinkaasi.
Gaadiidleyda ayaa xusay iney gabi ahaan shaqo joojin ku dhaqaaqeen maadaama aysan aboodin bixinta lacagaha baada ah ee looga qaado isbaarooyinkaasi’waxeyna intaasi ku dareen in Muqdisho iyo Leego inta u dhaxeysa kaliya looga qaado lacag ka badan Lixdan Iyo Labo Milyan Shilin Soomaali ah.
Sidoo kale gaadiidleyda ayaa intaasi ku daray in isbaarooyin fara badan oo ay wadooyinka dhigteen Maamul gobaleedyada dowlada Itoobiya u shaqeeya looga qaado lacago fara badan oo isugu jira Doolar iyo Shilin Soomaali.
Isbaarooyinkan sii kordhay ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor xildhibaanada dowlada Ridada federaalka ay doorteen hogaamiye cusub kaasi oo ay u doorteen Muxamed Farmaajo’waxeyna isbaarooyinkan mujinayaan in Farmaajo sida madaxdii isaga ka horeysay oo kale indhaha kaliya uu ka eeganayo Isbaarooyinka maleeshiyaatkiisa ay dhigteen waddooyinka iyo sida isbaarooyinkaasi dadka iyo gaadiidka ugu dhibaateynayaan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.