Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qof shacab ah si bareer ah ugu dileen qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa si bareer ah qof shacab ah ugu dilay dhanka Galbeed ee degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan gaar ahaan Beerta Jaadka ee degmadaasi.
Dilka ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen askariga iyo qofka shacabka ah waxa uu muranka sababay in ugu dambeyntii askariga uu rasaas ooda uga qaado qofka shacabka ee ay wada murmeen.
Ciidamada dowlada Ridada Jabuuti iyo kuwa dowlada federaalka ayaa dhowr jeer gudaha degmada Jalalaqsi dil kufsi iyo dhac baahsan ugu geystay dadka shacabka.
Calamada.com