Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax qasaare ugeystay itoobiyanka lagula beegsaday gudaha magaaladasi.
Qaraxa oo jugtiisa meelo kala duwan laga maqlay ayaa naloo xaqiijiyay in lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen askarta nasaarada Itoobiyanka ee duulaanka gardarada ku qabsatay qaar kamid ah wilaayadka islaamiga ah.
Miinada ayaa la xaqiijiyay iney haleeshay oo ay burburisay gaari nooca Qooqanta loo yaqaana kaasi oo la xaqiijiyay iney la socdeen saraakiil Itoobiyaan ah oo warar hoose ay sheegayaan in gabi ahaantooda dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxaasi.
Mudo oo ay fadhiyeen goobti qaraxa lagula eegtay ayay goor dambe ka dhaqaaqeen iyagoo jiidanaya gaarigi Qooqanta ahaa ee qaraxa lagu bur buriyay.
Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ayaa qeyb ka ah shisheeyaha duulaanka kusoo qaaday qeybo ka mid ah gobalada dhaca bartamaha iyo Konfurta dalka Soomaaliya.
Calamada.com