Muxamed Farmaajo oo ah madaxweynaha cusub ee dowlada Ridada federaalka ayaa lagu wadaa in maanta uu si toos ah ula wareegay xilka madaxweynaha ee dowlada federaalka.
Murtad Farmaajo ayaa xilka kala wareegayo Murtad Xasan Garguurte oo ah madaxweynihii hore ee dowlada federaalka.
Munaasabada xil wareejinta ayaa lagu wadaa iney kasoo qeyb galaan saraakiil cadaan iyo madow isugu jira’iyadoona wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho laga mamnuucay isu socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.
Xasan Garguurte oo afartii sano u dambeysay ahaa madaxweynaha dowlada federaalka ayaa lagu xasuusan doonaa dhibaatooyin kala duwan oo u geystay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho’waxaa dhibaatooyinkaasi ka mid ah in ilihii dhaqaalaha sida Dekedda’Eleboorka iyo goobtii Kaabada laga qodayay oo Shisheeye u gacan galiyay taasi oo sababtay iney shaqo la’aan baahsan soo wajahdo Kumanaan Xoogsato Shacab ah.
Muxamed Farmaajo ayaa u muuqda mid ku taagan wadada Xasan Garguurte ee ah indhaha oo kaliya ka eegta dhibaatada ciidamada Shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka ku hayaan shacabka magaalada Muqdisho taasi oo ay ugu dambeysay kolanyada gaadiidka shisheeyaha oo gaari shacab la socdeen maalmo ka hor ku jiiray degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.