Tiro madaafiic ah ayaa duhurnimadii maanta lagu garaacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia xilli gudaha xarunta ay ka socotay Munaasabad xil wareejin ah.
Dhowr madfac ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaceen gudaha xarunta madaxtooyada taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Xilliga madaafiicda lagu garaacayay madaxtooyada waxaa gudaha xarunta ka socday xaflad ballaaran oo xilka uu kula wareegayay madaxweynaha cusub ee dowlada Ridada ninka lagu magacaabo Farmaajo kaasi oo xilka kala wareegayay Xasan Garguurte.
Ilo wareedyo hoose oo ku sugan madaxtooyada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in inka badan 5 madfac ay kusoo dhacday gudaha madaxtooyada kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo wajahday saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.