Wararka laga helayo degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenkii xalay askari ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka lagu dilay qeybo ka mid ah degmadaasi.
Dilka askariga waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Buundo weyn ee magaalada Beledweyne’waxaa askariga halkaasi ku toogtay rag biskoolada ku hubeysan.
Wararkii ugu dambeeyay ee dilka askarigaasi ayaa xaqiijinaya in ragga dilka geystay oo si nabad ah goobta kaga dhaqaaqay ay horay usii qaateen qoray AK47 iyo Boosh uu sitay askariga ay dileen.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in askarigaasi ay dileen ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dhowr jeer dilal iyo qaraxyo ka dhan ah shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada ka fuliyay gudaha degmadaasi.
Calamada.com