Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi qarax lagula beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa Nasaarada Kenya.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo’iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in miinada ay haleeshay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe kaasi oo la xaqiijiyay in goobta uu ku burburay.
Sidoo kale qaraxaasi waxaa ku dhintay labo askari labo kalane weey ku dhaawacmeen oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe.
Kolanyada qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxay deegaanka Cabdalle Biroole kuwaasi oo ku sii jeeday dhanka magaalada Kismaayo.
Calamada.com