Rag ku hubeysan Biskoolada waxey habeenkii xalay gudaha degmada Xamar Jajab ee magaaladan Muqdisho ku dileen mid ka mid ah odayaasha soo xulay xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada Ridada federaalka.
Odaygaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Cumar waxey ragga hubeysan ugu galeen oo ku dileen gudaha Hooyga uu ka deganaay degmadan Xamar Jajab’iyadoona raggii dilka geystay goobta si nabad ah ay kaga baxsadeen.
Odaygan la dilay ayaa ka mid ahaa odayaasha xildhibaanada cusub soo xulay gaar ahaan waxa uu ka mid ahaa odayaasha xildhibaanada kusoo xulay degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Habeen hore ayeey aheed markii oday dhaqameed ka mid ahaa kuwa Xildhibaanada kusoo xulay Baydhabo lagu dilay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.